1065 Views

Afar Musharax oo War Cusub kasoo saarey Doorashada Galmudug

Afar Musharax oo War Cusub kasoo saarey Doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Afarta Musharax ee horey u diidey inay iska diiwaangeliyaan Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen baaq la xiriira doorashada Galmudug.

 

Afarta Musharax oo kala ah C/raxman Odawaa,Kamaal Guutaale,Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in muddo 15 Cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo  Galgaduud.

 

 

 

Qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug si loo dhiso Galmudug mideysan.

 

Waxaa ay ku baadeen in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka,iyaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment