492 Views

Maalintii reer galbeedka ay ka baqayeen oo la gaaray iyo tallaabada Putin oo la wada sugayo

Maalintii reer galbeedka ay ka baqayeen oo la gaaray iyo tallaabada Putin oo la wada sugayo
____________________________________________________________________________

Isniin: May 9, 2022

Caalamka ayaa aad sugaya khudbada Putin iyadoo Ruushka uu xusayo maalinta guusha oo beegan maanta oo ay bishu 9 tahay.

Waxaa jiray warar sheegaya in Madaxweyne Putin munaasabadda Maalinta Guusha uu isticmaali karo inuu kaga dhawaaq dagaal ka dhan ah Ukraine, taas oo ka soo horjeeda waxa ay haatan ay ugu yeereen “howlgal milatari oo gaar ah”, laakiin Kremlin ayaa waa uu beeniyay qorshahaas..

Waxaa suurogal inuu ku dhawaaqo abaabul buuxa taas oo jawaab u ah khasaaraha weyn ee Ruushka ka soo gaaray goobta dagaalka.

Bandhiga maalinta guusha waxa mararka qaar la xusi jiray xilligii Soviet-ka, waxaana dib u soo nooleeyay Madaxweyne Boris Yeltsin sanadguuradii 50-aad ee 1995-kii, laakiin Vladimir Putin ayaa 2008-dii ka dhigay munaasabad sanadle ah oo lagu soo bandhigayo agab ciidan

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post