576 Views

Yahuuda Muslim isu ekeysiinaysa si ay u galaan Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa

Yahuuda Muslim isu ekeysiinaysa si ay u galaan Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

 Qaar ka mid ah Yuhuuda xagjirka ah ayaa shaaca ka qaaday inay u labisanayeen sidii Muslimiin si ay u galaan oo ay ugu cibaadaystaan misaajidka barakaysan ee ​​al-Aqsa.

Misaajidka Al -aqsaa ayaa ah goob uu muran badan ka taagan yahay islamarkana ay isku haystaan Muslimiinta iyo Yahuuda.

Hadaba maxay tahay sababta qaar ka mid ah dadka Yahuuda ay ugu labisanayaan dharka Muslimiinta lagu yaqaano.

Raphael Morris oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xuquuda dadka Yahuuda ah ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay arrintan u smaeeyaan.

“Waxaan ahay nin haysta diinta Yahuuda waxaana aaminsanahay in misjidka Al-aqsaa ay leeyihiin dadka Yahuuda ah,” ayuu yiri Mr Morris.

Raphael iyo kooxdiisa ayaa waxa ay u labistaan sida Muslimiinta oo kale si ay ugu cibaadeystaan misaajidka barakeysan ee Al-aqsa.

“Waxaad badalanaysaa dharka, waxaad badalanaysaa koofiyadda, xitaa mararka qaar waxaad u baahan tahay in garka aad cilaan marsato,” ayuu yiri Mr Morris.

Qaar ka mid ah dadka Yahuudda ah ayaa xitaa barta luqadda Carabiga si ay ugula hadlaan dadka Carabta ah ee ku tukanaya Masaajidka.

“Muslimiinta waxay maalinkii tukadaan 5 jeer, waad la tukanaysaa laakiin waxaad hoos ka akhrinaysaa diinta Yahuuda,” ayuu intaa ku daray.

Raphael Morris iyo asxaabtiisa waxay wajihi karaan mararka qaar in la weeraro amaba la xiro.

“Markii aan bilaabaynay waxay ahayd mid cabsi badan, balse marka dambe waad la qabsanaysaa, 5 daqiiqo ka dib waad iska dageysaa,” ayuu yiri Mr Morris.

Masaajidka Al-Aqsaa waa goobta ugu barakada badan sida ay Yahuuda aaminsan yihiin, halka ay Muslimiinta u tahay goobta saddexaad ee ugu barakada badan.

marar badan waxaa misaajidkan barakeysan uu iska hor imaad ku dhex maray dadka Yahuda ah iyo Muslimiinta.

Hanadi Halawani oo haweeney quraanka dadka barta islmarkana u ololeysa dadka Muslimiinta ah ee Falastiiniyiinta.

Halawani ayaa sheegtay in ay jiraan dad Yahuud ah oo ku soo dhex dhuunta Muslimiinta ku cibaadeysanaysa misaajidka barakeysan ee Al-Aqsa.

“Way jirtaa in Yahuda ay si qarsoodi ah ku soo galaan masjidka Al-aqsa, islamarkana ay argagax galiyaan Muslimiinta misaajidka ku tukanaysa, wayna caddahay in uu yahay mashruuc siyaasadeed, ayay tiri Halawani.

Hanadi Halawani ayaa waqtigeeda intiisa badan ku qaadata masjidka barakeysan ee Al-aqsa, islamarkana mar ayaa laga mamnuucay ka dib markii lagu eedeeyay in ay ka mid tahay kooxaha Islaamiyiinta “sharci darada ah”.

Ka dib markii ay Israa’iil qabsatay oo ay la wareegtay bariga Qudus sanaddi1967 ayay xaalad xasaasi ah halkaasi ka abuurantay.

Dadka aan Muslimka ahayn way booqan karaan dhismaha masjidul Aqsaa laakiin kuma tukan karaan halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post