369 Views

Wasiir Al-caddaala “Waxaan haynaa caddeymo dad Al-shabaab u direen in qabaa’ilka la isku diro”

Wasiir Al-caddaala “Waxaan haynaa caddeymo dad Al-shabaab u direen in qabaa’ilka la isku diro”
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-cadaala ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay qeyb ka yihiin hurinta dagaal beeleedyada ka socda qeybo kamid ah dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay “markii Al-shabaab darreemaan culeys waxaa ay isku dhuftaan dadka shacabka ah, si buu yiri “dadka aysan ugu mashquulin dagaallada ka dhanka ah kooxda”.

“Waxaan haynaa caddeymo dad ay Al-shabaab lacag ku siiyeen in ay ku diraan qabaa’ilka, goobaha dad la isku dirayna waa meelaha ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadaan dadka deegaanka” ayuu yiri Wasiir Al-caddaala.

Hadalka mas’uulkan ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay dagaal beeleedyo ka dhaceen gobolada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post