858 Views

Gabdho walaala ah oo ku sugan Gaalkacyo oo mar la kulmay Qadaafi oo sannad kasta xuso dilkiisa

Gabdho walaala ah oo ku sugan Gaalkacyo oo mar la kulmay Qadaafi oo sannad kasta xuso dilkiisa
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

  Maanta waxaa 10 sano laga joogaa dilkii hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al Qadaafi. Waxaa la dilay xilligii dalkaas uu ka socday kacdoonkii xilka looga tuurayay, kaas oo dagaal sokeeye iyo qalalaaso isu bedelay.

Haddaba, Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen iyo Sucaad Qassim Xaaji Xuseen, oo ah gabdho walaalo ah, ayaa xus 10-guurada ka soo wareegatay dilkii Qadaafi. Waxay maamuuska ku sameeyeen magaalada Galkacyo.

Gabdhahani walaalaha ah ayaa sheegay in sannad kasta, 20-ka Oktoobar ay u tahay maalin gaar ah oo ay u duceeyaan madaxweynihii hore ee Libya, Qadaafi.

Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen oo ku sugan magaalada Galkacyo, ayaa BBC Somali u sheegtay in sababta ay ugu duceeyaan Qadaafi ay tahay in markii uu madaxweynaha ka ahaa Libiya uu si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaas.

“Way suurowday. Si qurux badan bay ku dhacday in aan u tagno Mucammar Qadaafi. Madaxtooyadii ayaa nala geeyay si fiican buu noo soo dhaweeyay, waana ku faraxsanahay, waana taa sababta aan u xusuusaneyno oo aan ugu duceyneyno saaka ugu dambeysay”.

“Waxaan kala hadalnay; maadama inaga dad yaryar aan aheyn, waxaa inoo caddeyd in aan dibadda aadno inkasta uu arrintaas naga waaniyay,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in uu ku dhahay “dalkiina baad joogtaan, dal Islaam baad joogtaan, gabdho soomaaliyeed oo Muslimaad ah baad tihiin, wax barta waan idiin caawineynaa, dhaqaale ayaan idiin siineynaa, guri baan idiin siineynaa, dega oo jooga,” ayay Farxiyo u sheegtay BBC Somali.

Waxay intaas ku dartay in Qadaafi uu kula taliyay in aysan u dhoofin dhinaca Yurub balse ay joogaan Libiya, isagana uu wax kasta ka siiyay.

“Aad baan ugu faraxnay, dhaqaale fiicanna waan ka helnay, deegaan fiican waan ka helnay, intii aan joognay wixii aan rabnay waan gaarnay, ma uusan jecleyn waddamada Yurub, wuu inaga waaniyay”.

Toban sano kadib, xagey ku dambeeyeen qoyskii Mucammar Qadaafi?

Toban sano ka hor, waxaa dalka Liibiya ka bilowday dibadbaxyo ballaaran oo markii dambe horseeday in xukunka laga tuuro hoggaamiyihii dalkaas Mucammar Qadaafi oo muddo 40 sano ah ka talinayay waddankaas. Waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulkiisa wiilashiisa iyo qaar kamid ah qaraabadiisa, waxaana xilligaas isku diyaarinayay in talada uu la wareego wiilkiisa Saif Al Islaam.

Hadaba xaguu ku dambeeyay qoyskii Qadaafi?

Saddex ka mid ah wiilasha Qadaafi ayaa lagu dilay dibadbaxyadii harreeyay dalkaas, waxaana kamid ahaa Muctasim Qadaafi oo ahaa la taliyaha arrimaha amniga ee dowladda, kaas oo ay dileen dabley hubeysan isla maalintii la dilay aabihii Qadaafi.

Qadaafi

Kornel Qadaafi wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu mudada dheeraa ee ka taliyo dal Carab ama Afrikaan ah tan iyo markii uu xukunka inqilaab milateri kaga qabsaday boqor Idriis Al Senuusi sanadkii 1969. Qadaafi wuxuu xilligaas ahaa 27 jir.

Qadaafi wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Sirte sanadkii 1942, wuxuu caan ku ahaa dareeskiisa milateriga iyo haweenkii u ahaa ilaalada.

Bishii Agoosto sanadkii 2011, waxaa dhacay mamuulkiisa kadib markii xooggagii la dagaallamayay ay qabsadeen caasimadda Tripoli.

Bishii Oktoobar sanadkii 2011, waxaa si arxan darro ah loogu dilay magaaladii uu ka soo jeeday ee Sirte.

Xaskiiisii koowaad

Fatxiya Khaalid waa xaaskii koowaad ee Qadaafi, waxay aheyd macalimad, dadka qaar waxay sheegaan in iyada iyo Qadaafi uusan shukaansi dhexmarin kahor guurkooda. Waxay u dhashay hal wiil, Maxamed Qadaafi, lix bilood kaddibna wey kala tageen.

Xaaskiisii labaad

Safiya Farqash waa xaaskii labaad ee Qadaafi, waxay u dhashay 7 carruur ah. Safiya iyo gabadheeda Caasha, xaaskii koowaad ee Qadaafi iyo wilkeeda Maxamed waxay u qaxeen dhinaca Algeria sanadkii 2011, halkaas oo laga siiyay magangelyo ka hor inta aysan u gudbin Cummaan.

Waxaa lagu soo warramay in Safiya qalliin loogu sameeyay cisbtaal ku yaalla Jarmalka sanadkii 2014.

Maxamed Qadaafi

Wuxuu dhashay sanadkii 1970, wuxuuna ahaa madaxweynihii guddiga olimbikada Liibiya.

Wuxuu sidoo kale ahaan jiray agaasimaha guud ee guddiga boostada iyo isgaarsiinta, kaas oo maamuli jiray dhammaan isgaarsiinta iyo sattelite-ka Liibiya.

Wuxuu u wareegay dalka Cummaan kadib markii uu u qaxay Algeria.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah wax dacwad ah kuma aysan soo oogin, maadaama la rumeysan yahay in uusan wax lug ku lahaan qalalaasihii harreeyay Liibiya 2011.

Saif Al Islaam Qadaafi

Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.

Wuxuu hoggaamin jiray ha’yadda lagu magacaabo ha’yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines.

Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii.

Bishii Nofembar ee sanadkii 2011, golihii kumeel gaarka ahaa wuxuu shaaciyay in Saif Al Islaam lagu xiray koonfur galbeed Liibiya.

Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa sanadkii 2015 ku xukuntay dil isagoo ka maqan dalka.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa codsatay in loo gacan geliyo Saif Al Islaam, kadib markiii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal.

Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay.

Saacidi Qadaafi

Saacidi Qadaafi wuxuu dhashay sanadkii 1973, wuxuu guursaday gabadh uu dhalay mid kamid taliyeyaashii hore ee milateriga Liibiya.

Wuxuu ahaa ciyaartooy kubadda cagta ah, wuxuuna muddo kooban u dheelayay naadi Talyaani ah.

Wuxuu hoggaamin jiray xiriirka kubadda cagta Liibiya, in muddo ah ayuu kabtan u ahaa xulka qaranka.

Wuxuuna markii dambe u wareegay dhinaca aflaamta, wuxuuna ku maalgeliyay 100 milyan oo dollar.

Markii xukunka laga tuuray aabihii, wuxuu u cararay Niger balse sanadkii 2014 ayaa loo soo tarxiilay Liibiya si loogu maxkamadeeyo.

Muctasim Qadaafi

Al Muctasim wuxuu dhashay sannadkii 1975-tii, wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsan milateriga.

Wuxuu u baxsaday Masar kadib markii lagu eedeeyay in uu waday dhaqdhaqaaq xukunka looga tuuri rabay aabihii.

Markii dambe ayaa cafis loo fidiyay, waxaana loo ogolaaday in dalka uu dib ugu soo laabto si uu u qabto jagada la taliyaha arrimaha amniga isla markaana uu kamid noqdo taliyeyaasha milateriga.

Waxaana la dilay isla maalintii la dilay aabihii.

Haneybaal Qadaafi

Wuxuu u shaqeyn jiray waaxda Liibiya u qaabilsaneyd maraakiibta gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

Waxaana lala xiriiriyay dhacdooyin dhowr ah, sanadkii 2005 waxaa lagu eedeeyay in huteel ku yaalla Faransiiska uu ku dhex garaacay gabadh ay saaxibo ahaayeen, sidoo kale waxaa lagu xiray magaalada Geneva kadib markii la sheegay in uu si xun ula dhaqmay labo qof oo kalkaaliye u ahaa, Switzerland ayaana lagu xiray.

Inkasta oo markii damaanad lagu sii daayay, dowladdii Liibiya waxay qaaday taallaabooyin ay ku qaadaceyso badeecadaha Switzerland, waxay dalka ka saartay shirkadaha laga leeyahay dalkaas, waxayna u yeertay safiirkeedi ka joogay caasimadda.

Haneybaal QadaafiHaatan wuxuu ku nool yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, wuxuu qabaa gabadh u dhalatay Lubnaan, waxaana soo baxayay warar sheegay in uu baabuur uu watay uu jiirsiiyay dad waddo marayay gudaha Dimishiq oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah.

Saif Al Carab Qadaafi

Wuxuu dhashay sanadkii 1980, wax badana lagama yaqaanno noloshiisa.

Wuxuu wax ka dhigan jiray jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Saif Al Carab iyo labo wiil uu dhalay ayaa waxaa lagu dilay duqeyntii diyaaradaha gaashaanbuurta Nato ay ka geysteen Liibiya.

Dadweyne ka careysan dilka Saif Al Carab iyo wiilashiisa ayaa dab qabadsiiyay safaaradda Ingiriiska ee Tripoli iyo dhismayaal kale oo ay lahaayeen Reer Galbeedka.

Khamiis Qadaafi

Waa wilkii ugu da’da yaraa wiilasha Qadaafi, wuxuu dhashay sanadkii 1983, wuxuu ahaa sarkaal boolis ah, wuxuu hoggaamin jiray cutub gaar ah oo ka tirsan booliska, wuxuu tababar milateri kusoo qaatay Ruushka.

Waxaana lagu soo warramaya in loo xilsaaray in uu ka hortaggo dibadbaxyadii ka socday magaalada Benghazi.

Khamiis Qadaafi waxaa la dilay bishii Agoosto ee sanadkii 2011 isaga iyo qaar kamid ah qaraabadiisa, waxaana kamid ahaa Cabdullaahi Al Senusi madaxii sirdoonka dowladdii Qada

Balse ilo wareedyo ka tirsan milateriga iyo shacabka ayaa sheegay Khamiis Qadaafi uu weli nool yahay, walow BBC dad u warramay ay sheegeen in la dilay.

Caasha Qadaafi

Caasha waa 44 jir, waxayna kamid ahayd qareennadii u doodayay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen.

Waxaa sanadkii 2006 guursaday nin ay qaraabo ahaayeen abaaheed. Waa gabadha keliya ee uu dhalay Qadaafi. Iyada iyo hooyadeed waxa ay u qaxeen Algeria, inkasta oo markii dambe ay u wareegeen dhinaca Cummaan.

Miilaad Qadaafi

Magaca rasmiga ah ee loo bixiyay markii uu dhashay wuxuu ahaa Cabdulsalaam Abu Zentaya, waxaa soo korsaday Mucammar Qadaafi.

Waxaana lagu xasuustaa in uu badbaadiyay Qadaafi markii Mareykanka uu bambaanooyin ku weeraray gurigiisa sanadkii 1986.

Markii xukunka laga tuuray Qadaafi wuxuu isku dayay in uu galo Tunisia, waxaana lagu xiray xadka, muddo 3 sano iyo 8 bilood ayuu xirnaa, markii dambana waa la sii daayay.

Hanaa Qadaafi

Qadaafi wuxuu ku anddacooday in gabadhii uu soo korsaday ee Hanaa lagu dilay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday gurigiisa, sannadkii 1986 xilliggaas oo ay jirtay 18 bilood oo keliya ah.

Balse caddeymo soo baxayay ayaa muujinayay in tan iyo sannadkii 2011 ay nooleyd, waxaana soo baxayay muuqaal muujinayay iyada oo Qadaafi la ciyaareysay kaddib sano badan oo ka soo wareegtay weerarkii lagu qaaday gurigiisa.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Liibiya, Hanaa waa dhakhtarad sanado badan ka shaqeyneysay xarumo caafimaad oo ku yaalla Liibiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post