54 Views

Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun lagu dayactiro Diyaaradaha

Muqdisho oo laga hirgeliyay xarun lagu dayactiro Diyaaradaha
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa markii ugu horreysay tan iyo 1991-dii waxaa laga hirgeliyay xarun lagu dayactiro dayaaraha, arrintan oo ugub ku ah dalka ayaa meesha ka saareysa adeegga dayactirka oo loo aadi jiray dalalka dariska ah sida Kenya iyo Uganda.

Xaruntan oo ay xarigga ka jartay Wasiirka Duulista Hawada marwo Fardowso Cigaal ayaa dib loosoo celinayaa adeeg ay ugu dambeysay 34 sano kahor iyada oo ka shaqeyn doonta bedqabka iyo dayactirka diyaaraha isaga kala goosha Gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa uu maalintii adeegsada in ka badan 130 diyaarado, taasi oo keentay in arrintan ay noqoto mid lagama maarmaan ah.

Wasiir Fowsiyo oo ka hadashay munaasabadda furitaanka ayaa ku bogaadisay shirkadda Aerosom oo adeegga hirgelisay iyada oo shirkadaha kale ee dalka ku dhiirigelisay in ay maalgeshtaan dalkooda, gaar ahaan gaadiidka cirka iyo dhulka.

Cismaaciil Gaani oo ah madaxa shirkadda Aerosom ee maamuli doonta adeeggan ayaa sheegay in talaabadan ay ku timid baahida adeeg oo korortay halka Agaasimaha Guud ee hey’adda Duulista mudane Axmed Xasan uu qabo in Soomaaliya ay ahayd dowladda keliya ee aaney baarin International Civil Aviation Organization (ICAO) balse hadda mar haddii la hirgeliyay hangarkan ay u diyaar tahay.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post