486 Views

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha Galmudug oo gaaray degmada wisil.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha Galmudug oo gaaray degmada wisil.
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha federaalka iyo dib u hishiisinta Galmudug oo socdaal ku maray degaanada Bariga Gobolka Mudug ayaa gaaray degmada wisil ee koofurta Mudug.

Safarka wasiirka waxaa ku wehlinaya xildhibaano katirsan Galmudug maamulka gobalka iyo masuuliyiin kale.

Maamulka iyo Bulshada degmada wisil ayaa soo dhaweyn balaaran u samaeyay wafdiga wasiirk arimaha gudaha.

Soo dhaweyn kadib wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumaha danta guud ee ku yaala wisil sida isbitaalka, Dugsiga waxbarashada, Saldhigga Booliiska, xarumaha maamulka iyo Xarumo kale.

U kuurgal ka dib wasiirka Arimaha Guduha galmudug ayaa ku dhawaaqay in wisil ay tahay degmo buuxisay Shuruudaha degmo isla markaana ay mari doonto Habraaca degmaynta Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post