780 Views

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo.
____________________________________________________________________________

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay James Swan, waxaana uu haatan kulan la leeyahay Madaxweyne kuixeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen taageerada ay Hay’adaha Qaramada midoobay siiyaan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xaalada guud ee dalka .

Arrimaha ugu muhiimsan ee Madaxweynaha Jubbaland & Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli laga heshiin.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay u tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe iyo Jowhar, isaga oo la kulmay Madaxweynayaasha saddexda dowlad Goboleed, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, ayaa kamid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo, taas oo keentay in Madaxweynaha uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post