696 Views

Nin sheegay in uu toogan lahaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo la soo taagay maxkamad ku taal Kiambu

Nin sheegay in uu  toogan lahaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo la soo taagay maxkamad ku taal Kiambu
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Nin ku hanjabay inuu toogan lahaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa la soo taagay maxkamad ku taal Kiambu, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation.

Ninka oo lagu magacaabo Simon Muchiri ayaa lagu eedeeyay in Sabtidii la soo dhaafay uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu hanjabayo Madaxweynaha.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay dembiyada internet-ka lagu geysto oo uu daabacay “qoraal khatar ku ah xafiiska Madaxweynaha iyo dadka ka shaqeeya.”

“27-kii February, waxaad boggaada Facebook ku daabacday in aad dili lahayd Madaxweyne Uhuru Kenyatta haddii aad haysan lahayd qori,” ayaa ka mid ahaa eedeymaha uu dacwad-oogga u soo jeediyay Muchiri, sida uu daabacay Daily Nation

Laamaha ammaanka ee Kenya oo ka war helay qoraalka Muchiri ayaa gacanta ku soo dhigay kadib markii ay ogaadeen halka uu ku sugan yahay.

Garsooraha maxkamadda, Grace Omodho, ayaa eedeysanaha ku sii deysay damaanad lacageed oo ku dhaw 2,000 oo dollar.

Qareenka u doodaya Muchiri ayaa maxkamadda ka codsaday in xoriyaddiisa la siiyo, maadaama ay ninkaas ku tiirsan yihiin qoys dhan, uuna markii u horreysay galay dembigaas.

Lama sheegin sababta ku dhalisay Simon Muchiri in hanjabaadaas uu ku soo qoro bartiisa Facebook.

Kiis hore

Horraantii 2015, arday Kenyan ah ayaa lagu xukumay sanad xabsi ah kadib markii uu baraha bulshada ku aflagaadeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Alan Wadi Okengo, oo xilligaas 25 jir ahaa ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 2,200 oo dollar.

Ardaygaas ayaa waxaa kale oo lagu helay hadal kicin ah, kadib markii uu sheegay in qowmiyadda Kikuyu ee uu ka dhashay Uhuru lagu koobo deegaan gaar ah oo dalka ka tirsan.

Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa si weyn u adeegsada baraha bulshada, waxaana kiiska Alan Wadi Okengo ka dhashay dood ah xakameynta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada.

Okenga ayaa xilligaas qirtay inuu galay labada dembi ee lagu soo eedeeyay. Wargeyska Daily Nation ayaa xilligaa sheegay in ardayga la qabtay isagoo doonayay inuu ka baxsado Kenya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post