852 Views

Saraakiil iyo Askar loo xiray dilka Guddoomiyihii degmada Hodan

Saraakiil iyo Askar loo xiray dilka Guddoomiyihii degmada Hodan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2021—Iyada oo xalay Saqdii dhexe lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Aadan-Cadde ama Jiid mareexaanka ee degmada Howl-wadaag Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun ayaa waxaa la sheegay in Saraakiil iyo askar loo xiray dilkaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waaberi Gaashaanle Maxamed C/qaadir Mooshin Taliyaha Booliska Howl-wadaag Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo 7 Askari, kuwaas oo haatan su’aalo lagu weeydiinayo Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.

Labada Sarkaal ayaa waxaa la sheegay in sababta loo xiray ay tahay inay xalay ku sugnaayeen Goobta dilka uu ka dhacay, isla markaana ay ku qornaayeen heeganka iyo howlgallo xilliyada qaar la fuliyo maadaama Taliyeyaasha degmooyinka, Hodan Howl-wadaag iyo Waaberi ay ka wada tirsan yihiin taliska qeybta Waliyow Cadde.

Macadda weli sababaha keenay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun, balse Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in uu ku dhintay israsaaseyn dhexmartay laba Ciidan.

Horay waxaa qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee VISHA GOVERNO ku dhintay Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow iyo Guddoomiyeyaashii degmooyinka, Waaberi, Shangaani iyo Cabdi Casiis ee Magaalada Muqdisho.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post