3735 Views

7-Sano Kadib Shacabka Reer Muqdisho Oo Ku Tamshlaynaya Stadium Muqdisho

7-Sano Kadib Shacabka Reer Muqdisho Oo Ku Tamshlaynaya Stadium Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay oo Talaado ah agabkoodii ugu dambeeyay waxa ay ka qaateen Garoonka Muqdisho Stadium ee degmada Wartanabadda.

Muuqaalo kooban iyo sawirro la soo qaaday ayaa muujinayay ciidamada AMISOM qaybtii ugu dambeysay oo alaabtooda ku raranayay gaadiidkooda xambaara ciidanka.

Arrintan waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay AMSIOM ay garoonka ku wareejisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo kormeer ku tagay halkaasi

7 sano kadib oo AMISOM ay daganaayeen garoonka, saakay waxaa isugu yimid dadweyne kala duwan, halkaasi oo ay ku soo dhaweynayaan tallaabada ciidamada AMISOM ay kaga guureen.

Sawiro laga soo qaaday dadkan saakay isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.

Dowladda federaalka oo arrintan ay kaga dhigan tahay talaabo wanaagsan ayaa waxa ay qorsheynaysaa in garoonka dhismihiisa ay ku wareejiso shirkad laga leeyahay dalka China, wuxuuna garoonka mid yahay kuwa uga waa weyn ee ku yaalla Geeska Afrika.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay ciidamo Boolis ah in lagu wareejinayo Garoonka Muqdisho Stadium, islamarkaana dowladda ay diyaar la tahay qarashka ku baxaya.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxeen Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda ciyaaraha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

 

01 02 03 04 05

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment