270 Views

Shiinaha oo ka hadlay buufinta looga shakiyay inay basaas aheyd ee lagu arkay hawada Mareykanka

Shiinaha oo ka hadlay buufinta looga shakiyay inay basaas aheyd ee lagu arkay hawada Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: Febraayo 2023

 

Shiinaha ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo ka dib markii Mareykanka uu sheegay in hawadiisa uu ku arkay buufin basaas aheyd oo laga soo diray Shiinaha tasoo ku duulaysay joog dheer xilli ay maraysay hawada Mareykanka iyo sidoo kale Canada.

Shiinaha wuxuu ku tilmaamay arrintani ‘bunbuunin iyo hadallo la isla dhexmarayo’ tan iyo inta laga xaqiijinayo dhacdada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd xaaladdan, waxayna intaa ku dartay in Shiinaha uusan wax damac ah ka laheyn inuu ku xad-gudbo hawada dal kale.

Goob joogayaal ku sugan gobolka Montana ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay arkeen buufinta oo dul heehaabeysay hawada gaar ahaan goobaha xasaasiga ah ee Nukliyeerka.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ku fikirayeen in ay soo ridaan balse ay go’aansadeen in aysan tallaabadaas qaadin halista ka dhalan karta darteed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post