366 Views

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah
____________________________________________________________________________

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo kuyalla Gobolka Hiiraan, kaidb dagaalo ka dhacay.

Howlgalka oo ay siwadajir u fuliyeen Ciidaada qeybta 27aad iyo Guutada 17aad ee Gorgor ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannad kala ah, Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.

Dhamme Cabduqaadir Axmad Cali oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalka uu yahaymid qorsheysan oo dhammaan degaannada Gobolka Hiiraan ay uga saarayaan Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka Hiiraan ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post