2025 Views

Ciidammada aadka looga baqo ee dilay Usama iyo hoggaamiyaha Daacish balse dili waayay Ceydiid

Ciidammada aadka looga baqo ee dilay Usama iyo hoggaamiyaha Daacish balse dili  waayay Ceydiid
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Weerar ciidammada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya ayaa lagu beegsaday hoggaamiyaha kooxda jihaad doonka ah ee la magac baxday dowladda islaamka, sida uu Khamiistii shaaciyay madaxweyne Joe Biden.

“Waxaa mahad leh ciidamadeena qalabka sida ee xirfadda iyo geesinimada leh, waxaan dilnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Ciidamadan gaarka ah ee dilay hogaamiyihii kooxda Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ahaa cutubkii dilay hogaamiyihiin Al Qaacidda Cusaama Bin Laadin. Waxay caan ku yihiin fulinta howlgallada noocan ah iyagoo leh tababarro dhinac kasta ah.

Haddaba maxay yihiin ciidammadan gaarka ah?

Ciidammada Mareykanka uu ku faano ee howgalka gaarka ah fuliya ayaa waxaa lagu magacaabaa SEAL Team Six (ST6), oo sidoo kale loo yaqaanno Naval Special Warfare Development Group. Waxaa sidoo kale ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka loo yaqaanaa oo loos oo gaabiyaa (DevGru) magacaasi oo ay caan ku ahaayeen in ka badan nus qarni.

Ciidamadan ayaa waxay howlgallo gaar ah ka fuliyeen meelo badan oo caalamka ka mid ah.

Ciidamada ayaa ahaa shaqsiyaad xiddigo ah oo laga soo xulay militariga Mareykanka islamarkana si gaar ah loogu tababaray fulinta howlgallada qarsoodiga ah.

Guud ahaan waxay ka kooban yihiin 2,500 oo askari, waxaana loogu magacdaraa deegaanka lagu tababaray haddii ay tahay badda, hawada iyo dhulka-ba.

Hawlgalladoodu aad bay u kala duwanaan karaan dabeecad ahaan, kuwa waxay galaan dagaalka caadiga ah, la-dagaalanka argagixisada iyo badbaadinta dadka la afduubto.

“Waa nimanka ugu tababarka wanagsan Ameerika, dadka cadiga ah ee waddooyiinka socda la mid ma aha,” ayuu yiri Don Shipley, oo ka sugan Virginia, kaasi oo 20 sano ka mid ahaa Ciidanka Badda Mareykanka.

“Askartani noqday ciidamada gaarka ah waxay leeyihiin aragti dheer , oo ka sarreeya garaadka dadka kale, waxayna leeyihiin jir aad loo dhisay si ay ugu adkaystaan ​​ciqaabta badan, garaacid badan,” ayuu intaa ku daray.

Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay tabobarka ay maraan midka ugu adag ee ay heli karaan ciidammo gaar ah meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Tirada shaqsiyaadka inta ay u adkeysan waayaan tababarka ee isaga taga ayaa waxaa lagu sheegay 80-85% taasi oo macnaheedu tahay in boqolkiiba 20 oo kali ah ay gudbayaan.

Stew Smith, oo muddo muddo 8 sano ah ka tirsanaa ciidamadan haddana Maryland ka bixiya koorsooyin tababbarka jirdhiska ayaa ka waramay tayada ciidamadan iyo tababarkooda.

Waxa uu sheegay in 6 bilood ee ugu horreeya ee tababbarka ciidamadan, uu yahay waqtiga ugu adag .

Waxa jira maalmo ka mid ah oo uu tababarku soconayo 120 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka mid ah waxayaabaha lagu tababaranayo dabbaasha, orodka, quusidda biyaha iyo in uu qofa ka gudbo caqabado badan oo loo dhigay.

Waxaa ciidamadan la asaasay xilligii Madaxweyne John F Kennedy si loo xoojiyo awoodda ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

Ciidamadan gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxay sanooyiinkii u dambeeyay howgalo gaar ah ka fuliyeen, Afqaanistaan, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida daafaheda ah.

Qaabkii ay u fuliyeen howgalkii Cusaama

Weerarkii Bin Ladin waxa uu ahaa mid sannado badan la qorshayayay balse waxa uu qaatay 40 daqiiqo oo keliya in la fuliyo.

In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa laga dajiyay meel u dhow darbiga dheer ee saddex dabaq ah oo ku yaalla duleedka Abbottabad ee waqooyi-galbeed Pakistan.

Is-rasaasayn kooban ka dib, shan qof ayaa ku dhintay, oo uu ku jiro Osama Bin Laden, oo la sheegay in xabbad lagaga dhuftay isha bidix ee kore.

Dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay goobtii ay ka tageen, inkastoo cilad farsamo ay ku timid hal diyaarad oo helicopter ah oo ay ka soo tageen.

Doorka ciidammadan ee howlgalkii Ceydiid

Aqalka gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay sanaddii 2012 in xubno ka tirsan isla ciidamadan gaarka ah ay howlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku soo furteen nin nin u dhashay dalka Denmark iyo haweeney Mareykan ah oo ay afduubteen kooxo hubeysan.

Balse ciidammadan gaarka u tababaran sanado ka hor howlgalkaasi ayay Soomaaliya tageen si ay u soo qabtaan hogaamiye kooxeed janaraal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii Agoosto sanadkii 1993 afar ka tirsan ciidammada gaarka u tababaran ee ST6 ayaa laga dejiyay magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan dhigooda DELTA oo ah ciidammo ka tirsan milatariga Mareykanka oo loo xil saaray soo qabashada Ceydiid. Waxay ka qeyb qaateen dhowr howlgal oo ay ku taageerayeen ciidammada milatariga iyo kuwa CIA-da oo bishii October 1993 weerar ku ekeeyay hoteelka Olimbik ee caasimadda Muqdisho.

Ciidammadaasi uma suurtagelin inay soo qabtaan Ceydiid, balse ka qeybqaadashada howlgalkaasi waxay ciidammada ST6 ku mutueysteen abaalmariino. Waxaa ka mid ahaa askartaasi afarta Haward Wasdin oo dagaalka ku sii jiray inkastoo seddax jeer la dhaawacay intii uu socday dagalakaasi lagu qaban lahaa Ceydiid.

Boqolaal Soomaali ah ayaa howlgalkaasi ku dhimatay iyo 18 ka tirsan ciidammada Mareykanka taasoo horseeday Mareykanka inuu soo afjara howlgalka. Waxaa howlgalkasi laga sameeyay fililmka caanka baxay ee Black Hawk Down.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post