588 Views

Ethiopia oo ku eedeeysay Tigreega iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka Amxaarada.

Ethiopia oo  ku eedeeysay Tigreega iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka Amxaarada.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 9, 2021

Saraakiisha dowladda Ethiopia, ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada Tigreega, iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka ay dariska yihiin ee Amxaarada.

Waxey sheegeen iney shaaca ka rogeen labo xabaalo wadareed oo waa weyn, kuwaasoo ku yaalla degmada Dabat.

Saraakiisha ayaa intaa ku darey in dilkan la fuliyey labo maalmood gudahood oo ah horraantii bishan.

Ma jirto jawaab kasoo baxdey xoogagga Tigreega, kuwaasoo dagaal kala soo horjeeday dowladda federaalka Itoobiya, iyo kuwa isbaheysiga la leh illaa iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Ma jirto ilo wareed madax bannaan oo laga xaqiijin karo dagaalada ka socda waqooyiga Ethiopia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post