3696 Views

. Ciidamada Amaanka Oo Qabtay Koox Bastoolad ku Hubeysan Oo Dil ka Geysatay Degmada Hodan.

. Ciidamada Amaanka Oo Qabtay Koox Bastoolad ku Hubeysan Oo Dil ka Geysatay Degmada Hodan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Koox Bastoolad ku hubeysan ayaa maanta qof shacab ah ku dishay Xaafadda Tarabuunka degmada Hodan ee Gobalka Banaadir sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeyn Wiil Bastoolad ku hubeysan oo tooganaya qof Sahcab ah oo ku sugnaa Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan lamana oga Sababta keentay.

Qofka la dilay ayaan la ogeyn waxa uu qaban jiray balse dadka deegaanka waxay sheegeyn in uu ka mid ahaa dadka deegaanka ee halkaas ku nool balse aan la ogeyn waxa uu ka shaqeyn jiray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Qaranimo Online uga waramay Dilkii ka dhacay Xaafadaasi iyo Howlgal ay sameeyeen Ciidaanka amaanka.

Dhinaca Kale Taliska Saldhigga Ciidanka Booliska Soomaaliya ee degmada Hodan ayaa xaqiijiyay dilka maanta ka dhacay degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Hodan C/fataax  ayaa Qaranimo Online  u sheegay in la soo qabtay ragii dilka maanta ka geestay degmadaasi kadib Howlgal ay sameeyeen Ciidanka amaanka hadana ay baaritaano ku wadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan hada warbaahinta la hadli Karin markii uu soo dhamaado Baaritaanka raga la qabtay ee dilka ka geystay degmadaasina ay Faah faahin ka bixin doonaan Laamaha amaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uusan ogaanin ilaa hadda waxa uu ahaa qofka la dilay balse lagu guuleestay in la soo qabto qofkii dilay.

Degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda tarabuunka ayaa dhowr waxaa lagu dilay dad kala duwan sidoo kale waxaa halkaasi ka dhacay dhowr jeer weeraro kala Duwan oo lagu qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment