1122 Views

Illaalada Xildhibaan C/rashiid Xidig oo fashiliyay Qarax la dhigay dhabarka dambe ee hoygiisa

Illaalada Xildhibaan C/rashiid Xidig oo fashiliyay Qarax la dhigay dhabarka dambe ee hoygiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax Miino laga soo saaray dhabarka dambe ee hoyga uu Xildhibaan Cabdi rashiid Xidig ka degan yahay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sida wararku sheegayaan ilaalada Xidig ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxa oo ay markii dambe kala fur fureen, waxaana xogta ku soo wargeliyay dadka Shacabka ah, kuwaasoo sheegay iney arkeen waxyaabo ay ka shakiyeen.

Qof ka mid ah dadka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa la doonayay in lagu waxyeeleeyo Xildhibaan Xidig oo sidoo kale ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland doorashada la filayo inay Kismaayo ka dhacdo bisha Agosto.

Xidig oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowaan loo diiday inay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyaan qaar ka mid ah taageerayaashiisa, iyadoo arintaas ay magaalada buuq ka dhex dhalisay, inkastoo markii dambe si hoose loo xaliyay.

Ma jirto wali wax war ah oo arrintan ay ka soo saareen laamaha ammaanka ee maamulka Jubbaland, kuwaasoo isu xil saaray sugida amniga musharixiinta Madaxweyne, lamana oga cida Miinada ku aastay dhabarka dambe ee hoyga uu Xildhibaan Cabdi rashiid Xidig ka dagan yahay Magaalada Kismaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment