924 Views

R/wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobalka Gedo

R/wasaaraha Soomaaliya oo   kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobalka Gedo
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobalka Gedo, islamarkaana waxaa uu hogaaminayo Ugaaska Maxamed Ugaas Xaashi. 


Kulanka ayaa looga hadlay doorashada Garbahaarrey siday u dhici lahayd, islamarkaana looga gudbi lahaa caqabdaha hortaagan doorashada.

R/wasaare Rooble ayaa balanqaaday inuu hirgalinayo heshiiskii 17 September uuna dhameynayo caqabadaha doorashada ku horgudban laguna qabanaayo Garbahaarrey oo aysan ka hareyn degaanada labaad ee doorashada lagu qabtay.


Odayaasha ayaa ku qancay balanqaadka R/waasare Rooble, waxaa ayna uga mahadceliyeen sida uu soo dhaweeyay, islamarkaana cabashadooda uu u dhagaystay.


Wararka ayaa sheegaya in Raisul wasaaraha ayaa lagu wado inuu tago degmada Garbahaarey si uu halkaas uga hirgeliyo qabsoomida doorashada

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post