1044 Views

Maraykanka oo Daalibaan u sheegay in aysan faragelin ku samaynin daad-gureynta Maraykanka ee Garoonka Kaabul

Maraykanka oo  Daalibaan u sheegay in aysan faragelin ku samaynin daad-gureynta Maraykanka ee Garoonka Kaabul
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa si fool-ka-fool ah ula kulmay Hoggaamiyayaasha Sare ee Daalibaan si ay ururka uga codsadaan inaysan faragelin ku samaynin daad-gureynta Maraykanka ee Garoonka Kaabul, sida uu Sarkaal ka tirsan Difaaca Maraykanka u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP.

Kulankaan oo Axaddii shalay ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qadar,ayaa Generaal Frank McKenzie wuxuu heshiis kula galay Dalibaan in aan wax faragalin lagu sameyn doonin daad –gureynta Mareykanku ka wado dalka Afghanistaan.

Tallaabadaan ayaana u suura galisay Mareykanka in inta badan dadkiisii uu kala baxay dalkaasi maanta xili garoonka caasimadda Kaabuul ay ka dhaceen qulqulatooyin sababay dhimasho.

Ciidamada Mareykanka ayaa hadda ku howlan sugidda ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kaabul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post