120 Views

Golaha baarlamaanka Pakistan oo uu hoggaamiyo xisbiga Raysal wasaarihii hore Imran Khan oo la kala diray.

Golaha baarlamaanka Pakistan  oo uu hoggaamiyo xisbiga Raysal wasaarihii hore  Imran Khan oo la kala diray.
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18, 2023

Golaha baarlamaanka ee gobolka Khyber Pakhtun-khwa ee dalka Pakistan, oo uu hoggaamiyo xisbiga Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, ayaa la kala diray.

Tallaabbadan ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira, gobolkan ayaa noqonaya kii labaad oo tallaabbo noocaasi ah qaado.

Pakistan ayaa waxaa hareeyay qalalaase siyaasadeed tan iyo markii xilka laga tuuray bishii April Cimraan Khaan, kaddib marki codka kalsoonida loo qaaday.

Golaha baarlamaanka ee gobolka Punjab ayaa la kala diray Axaddi hore.

Dastuurka Pakistan ayaa dhigaya in doorashada cusub ee labada gole sharci-dejin lagu qabto saddex bilood gudahood.

Cimraan Khaan, oo haysta taageerayaal aad u badan, waxa uu ku andacoonayaa in lagu riday shirqool uu Maraykanku soo maleegay balse ma uusan keenin wax caddayn ah oo uu sheegashadiisa ku xoojinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post