1203 Views

Dagaal ka dhacay degmada Qansax dheere ee Gobolka Bay iyo qasaare ka dhashay.

Dagaal ka dhacay degmada Qansax dheere ee Gobolka Bay iyo qasaare  ka dhashay.
____________________________________________________________________________

.

Axad: August 29, 2021

 Wararka ka imaanaya degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus halkaas ku dhexmaray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan weerar ku qaaday saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Qansax dheere waxaana halkaas dagaal xooggan ku dhexmaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay iska difaaceen weerarka inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaallantay.

Xaaladda degmada Qansaxdheere ayaa saaka deggan kadib markii dagaallamayaasha Al-shabaab isaga laabteen islamarkaana dib ugu gurteen dhulka miyiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post