1428 Views

Hooyadii Dhashay Mid Ka Mid Ah Al-Shabaabkii Weeraray Hotelka Dusit D2 Oo Damiin Lagu Sii Daayey

Hooyadii Dhashay Mid Ka Mid Ah Al-Shabaabkii Weeraray Hotelka Dusit D2 Oo Damiin Lagu Sii Daayey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 19 2019 –Sakina Abdalla oo ah Maamadda dhashay Salim Ali Gichunge ayaa la sheegay in lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

 

Dacwad-oogayaasha waxay ku soo oogeen Hooyadaasi  inay ku fashilantay inay Boliska u soo gudbiso warka ku aadan halka uu joogay Wiilkeeda, si looga hortago weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hoteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalladda Nairobi.

 

Boliska dalkaasi waxay rumeysan yihiin inuu Salim Ali Gichunge ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotelkaasi bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan.

 

Maama Sakina Abdalla waxay Maxkamadda ka codsatay in damiin lacageed lagu sii daayo inta laga gaarayo xilliga dib loo qaadi doono dhegeysiga dacwadeeda.

Madaxa Garsoorayaasha, Martha Mutuhu waxa uu amray inay bixiso lacag caddaan ah oo dhan hal million oo Shillinka Kenya ama ay bisixo damiin lacageed oo dhan 2 million oo Shillinka dalkaasi.

 

Waxa kale oo lagu amray inay Maxkamadda dhigto Baasaboorkeeda, inaysan la xiriirin Markhaatiyayaasha ku lug leh Kiiskeeda iyo inay bil kasta iska xaadiriso Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ilaa inta dhegeysiga Kiiskeeda laga soo af-jari doono.

 

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska Hooyadii dhashay mid ka mid ah Alshabaabkii weeraray Hotelka Dusit D2 ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono ka-hor bisha soo socota ee April 1-da.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment