918 Views

Xasan shekh iyo shekh sharif oo 4-0 diray Cumar Finish iyo Cali Yare Markii ay xalay ka guureen Hotel Jazera ayna dageen Hotelka Naasa-hablood

Xasan shekh iyo shekh sharif oo 4-0 diray Cumar Finish iyo Cali Yare Markii ay xalay ka guureen Hotel Jazera ayna dageen Hotelka Naasa-hablood
____________________________________________________________________________

.Feb: 18/2/2021

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iy Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xilli dambe ka guuray Hotel Jazeera agagaarkiisa oo ay daganaayeen mudooyinkii la soo dhaafay.

Guuritaanka ayaa ku soo aadaya Xili lagu wadco banaanbax wayn in uu ka dhaco Muqdisho oo ay hor kacayaan Musharixiinta.

Labadaan Mas’uul oo wata ku dhawaad 10- Gaadiidka dagaalka ayaa dagay Xalay Hotelka Maa’ido Ex-Naasa-hablood 2  oo ku yaal agagaarka Guriga Hooyooyinka oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale arintaan ayaa Waji gabax ku ah Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Gudoomiyaha Gobolka Cumar Finish iyo Gudoomiyaha amniga Gobolka Cali Yare Cali oo saacadihii la soo dhaafay Hanjabaadyo in aan la samayn Karin banaanbaxyo aysan ogayn Dowlada Waqtigeeda dhamaday.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post