1035 Views

liiska xubnaha Aqalka Sare Puntalnd oo laga waayay dad badan oo uu ka mid ahaa Cumar C/rashiid

liiska xubnaha  Aqalka Sare Puntalnd oo laga waayay dad badan oo uu ka mid ahaa Cumar C/rashiid
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ugu dambeyn xalay shaaciyey liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee u tartamaya kuraasta taal magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kadib shaacinta liiskan ayaa waxaa kuraastoodii waayey illaa 9 musharrax oo ka mid ah xildhibaanadii horey Aqal Sare ugu metalayey dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo aan ka soo muuqan liiska 22-ka musharrax ee u tartami doono 11-ka kursi ee taalla Puntland.

Xubnaha waayey kuraastooda ee liiska laga reebay ayaa kala ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaarke), Shukri Aadan Maxamed, Maxamed Daahir Sheekh Nuur, Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere, Hodan Maxamuud Cismaan, Cabdirisaaq Xasan Cismaan Jurile, Saciido Xasan Cismaan & Maxamuud Axmed Mashruuc.

Sidoo kale waxaa liiska kasoo muuqday siyaasiyiin haatan xilal ka haya Puntland, waxaana ka mid ah wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), wasiirka dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo guddoomiyaha Bari Cabdisamed Abwaan.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post