1890 Views

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Baydhabo u tagay dardar gelinta howlaha Doorashada K/Galbeed

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Baydhabo u tagay dardar gelinta howlaha Doorashada K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 13, 2018 —Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa maanta ku qaabilay magaalada Baydhabo wafdi ka socday Qaramada Midoobey.

Wafdigan ka socday Qaramada Midoobey ayaa waxaa hoggaaminayay Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zanenga.

Ujeedada Safarka Wafdiga Kuxigeenka Qaramada Midoobey ayaa salka ku hayay arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Kusimaha Madaxweynaha uu u sheegay wafdiga Qaramada Midoobey inay weli ku guda jiraan diyaar garowga doorashada iyo soo dhameystirka guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xaqiijinaya in doorashada ay maalmod dib u dhici doonto, maadaama waqtiga la heysto aanu ku qabsoomi karin howlaha doorashada.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku asteysneyd 17-ka bishan November oo ka dhiman afar maalin, waxaa qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha soo jeediyeen in doorashada dib loo dhigo.

7-dii bishan ayay aheyd markii uu is casilay Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib cadaadis uga yimid dowladda Federaalka, waxaana uu ka tanaasulay tartanka doorashada.

 

W/Q:-Bashiir Barre 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment