1362 Views

SAWIRO: MadaxweynahaJubbaland oo qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada

SAWIRO: MadaxweynahaJubbaland oo qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

 

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment