1221 Views

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo Nairobi uga dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne Sawiro.

____________________________________________________________________________

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, ayaa  ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin, wax garad, Aqoonyahano Haween iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ka dhacday magaalada Nairobi.

Masúuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa ku dheeraaday xaalada dalka Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay Xiligaan Musharax Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo ay sheegeen in uu Dalka wax badan ka qaban karo, aqoona u leeyahay xaalada dalka ka jira.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo goobta ka hadlay, ayaa ugu horay u mahad celiyay dadkii ka soo Qeyb galay xaflada.

“’Waxaan marka hore  alle uga baryayaa in uu Umada Soomaaliyeed dhibaatada ka Dul qaado, waxaan leeyahay dalka waxa uu u baahan yahay qof yaqaano oo aniga oo kale ah, macnaha dalka xaq ayuu Nagu leeyahay waa in aan ka shaqaynaa Nabadiisa iyo Horumarkiisa” ayuu yri Xalane oo la hadlayay Boqolaal Qofood oo ka soo Qeyb gashay xaflada Musharaxnimadiisa.

.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane  ayaa ka mid ah siyaasiyiin la  hadal hayo in ay ku soo baxaan wareega Hore ee doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalka 2021.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi

Tell+254711830393

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post