1554 Views

Wafdi ka socda QM oo gaaray degmo u go’doonsan Al-Shabaab

Wafdi ka socda QM oo gaaray degmo u go’doonsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Wafdiga oo ay kamid yihiin, saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ee samafalka ka shaqeeya iyo arrimaha gargaarka bani aadanimada ayaa u kuurgalay xaaladda nolaleed ee magaalada Xuddur oo Alshabaab u go’doonsan muddo 10 sano ku dhow.
Ugu horeyn wefdiga ayaa kormeerey xeryaha barakacyaasha ee ku yaala daafaha magaalada Xuddur, halkaas oo ay ku nool yihiin kumanaan shacab ah oo Alshabaab ka soo barakiciyeen tuulooyinkooda.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koofur Galbeed, Cabdinaasir Cali Caruush, ayaa horkacayay wefdiga ayagoo la kulmay qeybaha bulshada iyo maamulka.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeer indha indheyn ah ku sameeyay qaar kamid ah suuqyada magaalada Xuddur oo xilligan gabaabsi ka yihiin cuntooyinka quutul daruuriga ah.
Wefdiga waxay kulan la yeesheen maamulada degmooyinka Xuddur, Tayeglow iyo Rabdhuure, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha amni iyo tan bani aadanimo ee ka jirta gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinkaas

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post