474 Views

Ha,addaha gargaarka QM oo gurmad u fidinayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ha,addaha gargaarka QM oo gurmad u fidinayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

Ha,addaha gargaarka  qaramada midoobay ayaa kudhawaaqay fulinta mashruuc gargaar bani,aadannimo loogu sameynayo kumanaan kun oo qofood kuwaasi oo ay saameeyn kuyeelatay abaarta kajirta qeybo kamid ah Somalia.
Mashuuraacaan oo loogu magacdaray kajawaabista deg degga ee ugu yar gargaarka bani,aadannimada magaciisana loo soo gaabiyo MRP ayaa waxaa gargaar deg dega loogu sameynayaa inkabadan 100,000 oo qofood kuwaasi oo kubarakacay abaaraha kajiraha gobollada Somalia.

Fulinta mashruuca gargaarka bani,aadannimada ayaa waxaa iska kaashanaya hay,adda cuntada Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP, hay,adda qaramada midoobay uqaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF iyo sidoo kale hay,adda socdaalka dunida ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM waxaana mashruucan gargaar gabni,aadannimo oo deg deg ah loogu sameynayaa dadka nugul ee ay saameeynta kuyeelatay abaarta kajirta koonfurta iyo bartamaha Somalia.

El-khidir Daloum oo ah agaasimaha hay,adda WFP uqaabilsan Somalia ayaa shaaca kaqaaday in ay muhiim tahay si wadajir ah ay ushaqeeyaan hay,addaha qaramada midoobay  kashaqeeya arrimaha bani,aadannimada si looga hortago macluul kadhalan karta abaarta kajirta Somalia taasi oo sababi karta dhimashada kumanaan kun oo ruux kuwaasi oo haatan ladaalaadhacaya abaarta kajirta Somalia .

7.1 milyan oo ruux oo Somali ah ayaa wajahaya dhibaatooyin kadhashay abaaraha kajira koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaana tiradan ay tahay  50% tirada guud dadka soomaliyeed ee ladaalaadhacaya abaaraha kajira Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post