1008 Views

Madaxweyne Xaaf oo si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya

Madaxweyne Xaaf oo si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle  Geelle Xaaf oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si adag u eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku fashilantay dhismaha maamulka Galmudug.

 

Waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Beelaha maamulka Galmudug ay Cabasho u soo gudbiyeen, islamarkaana ay u sheegeen in aysan jirin Xildhibaano ay soo xuleen oo dowladda dhexe ee Soomaaliya Jeebkeeda ka waddo.

 

 

 

Waxaa uu xusay in Cabashooyin badan ay kasoo gaareen qeybaha kala duwan ee bulshadda degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana uu ka shaqeyn doono dhismaha maamul loo dhan yahay.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta magacaabay Guddi doorasho oo Galmudug ah.

 

Talaabdan ayaa ka hor-imanaysa qorshaha maamul u sameyta ee ay horkacayso wasaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya,Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay caqabad ku tahay dhismaha maamulka Galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment