651 Views

Shirkii Rooble iyo Farmaajo oo lagu kala Dareeray kadib markii Ikraan tahliil la diiday cadaalad Hesho.

Shirkii Rooble iyo Farmaajo oo lagu kala Dareeray kadib markii Ikraan tahliil la diiday cadaalad Hesho.
____________________________________________________________________________

Axad: September 12, 2021

sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, kulamo ay lahaayeen dhinacyada dowlada Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble iyo Farmaajo ayaa lagu kala dareeray kadib markii farmaajo uu diiday in la baaro Kiska Ikraan Tahliil.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad.

Sidoo kale Xubno ku dhow madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo wada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yahay sababta madaxweynaha uu uu caddaalad ugu diidan Ikraan iyo qoyskeeda. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay inuu aad u ilaalinayo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ama laga yaabo in kiiska uu madaxweynaha naftiisa lugaha la galo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post