951 Views

Xaaf oo Dowladda ku eedeeyey inay boob ku heyso Galmudug (War-Saxaafadeed)

Xaaf oo Dowladda ku eedeeyey inay boob ku heyso Galmudug (War-Saxaafadeed)
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markale waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay boOb iyo dhac ku heyso dhismaha Galmudug.

 

War-Saxaafadeed uu soo saarey Xaaf,isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku heyso Galmudug,isla markaana ficilo aan wanaagsaneyn ay ka wado Magalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa uu kaga hadlay Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeboo uu shegay in aan lagala tashan Madaxda Sare ee Galmudug,isla markaana uu sheegay in mar walba ay difaaci doonaan Sharciga iyo danaha Shacabka.

 

Odayaasha Dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug ayuu ugu baaqay inaysan soo xulin Baarlamaan uu sheegay inay diyaariyeen Madaxda Dowladda Federaalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment