786 Views

Turkiga oo soo dhaweyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya

Turkiga oo  soo dhaweyay  dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee  Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________

 May 8, 2021

“Turkiga waxuu soo dhaweynayaa horumarada la xiriira dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sidokale Waxaan bogaadinaynaa dadaalka Dowladda Qatar ay ku bixisay howshan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono taageeridda dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka jira gobolka Geeska Afrika, iyadoo loo maraayo wadahadallo iyo is afgarad.

khilaaf soo kala dhexgalay Labada dal ee ku wada yaalla Geeska Afrika ayaa curyaamiyay Nabadgelyada, waxbarashada iyo xiriirkii ganacsi ee u dhexeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post