2577 Views

Khilaafkii ka taagnaa Maamulka Degmada Baardheere oo la xaliyay

Khilaafkii ka taagnaa Maamulka Degmada Baardheere oo la xaliyay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 13, 2019 –Iyadoo muddooyinki dambe uu jiray khilaaf qaatay muddo islamarkaana ka dhashay is-qab-qabsi la xiriira maamulka Degmada Baardheere, ayaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmadaasi, wuxuu magcaabay maamul.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ayaa loo magacaabay isla Guddoomiyihii hore Cabdullaahi Nuur Xassan Caddow, halka ku xigeenkana loo magcaabay Ismaaciil Sheekh Qorrax Koofi, waxaa jira xubno cusub oo lagu daray maamulka waana xubnaha hoose.

Kadib kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Odayasha Dhaqanka beelaha kale duwan ee deegaanka ayuu Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu qaatay in isla maamulkii hore dib loo magcaabo si ay dardargeliyaan shaqooyinka qabyada ah ee u yaalla.

Warqadda magcaabista oo kas oo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee madaxtooyada Jubbaland Cabdicasiis Maxamed Xasan Ilkacase

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment