1107 Views

Cabdixaashi oo dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida dalka

Cabdixaashi oo  dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida dalka
____________________________________________________________________________

.

April 26-2021

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dhinacyad in la joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhinacyada u soo jeediyay in loo turo dadka Soomaaliyeed, isla markaasna khilaaf walbana oo taagan lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul.

Baqaan, ayaa ku soo aadaysa xilli saacadihii la soo dhaafay magaaladda Muqdisho ay ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Askar diidan muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post