963 Views

Somaliland oo Maanta shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Somaliland oo Maanta shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 17 2020–Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 16 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 8 Rag ah 8 Dumar ah ayaa waxaa ay dhamaantood ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa,waxaana la sheegay in 16 ruux qof kamid ah uu u dhashay dalka Itoobiya,waxaana dadka la baaray ay da’dooda u dhaxeysaa 30 Sano jir ilaa 90 Jir.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana Cudurka laga baaray 40 qof oo 16 kamid ah gudiga ay sheegeen in Cudurka laga helay.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 103 Ruux 8 Ruux ay ka bogsoodeen halka 8 qof ay u geeriyoodeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment