1854 Views

Nin Darawal ahaa oo loo dilay lacag dhan Shan kun Shiling Soomaali

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 22, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Suuqa degmada Kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi nin ku labisnaa dharka ciidamada dowladda uu ku dilay nin darawal ahaa.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay.

Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka Ciidamada in uu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday.

Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi  ku geeriyooday.

Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan.

“Askariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo ma’ahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.” Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay Oo U Xogwaramay Qaranimo Online Arinkani Ayaa Ah Mid Intabadani Ka Dhaca Goobah Gawaridu Aydaku Karaacaan .

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment