1089 Views

Ciidamo gadoodsan oo xirtay Wadooyin muhiim ah

Ciidamo gadoodsan oo xirtay Wadooyin muhiim ah
____________________________________________________________________________

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee Jooga Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Maanta sameeyeen gadood.

Ciidamada oo xirtay wadooyin muhiim ah ayaa waxaa la sheegay in cabashadooda ay tahay in dib loogu celiyo Magaalada Muqdisho oo laga qaaday xilligii ay dhaceysay doorashada Madaxda Maamulla Hir-Shabeelle si ehelladooda iyo xaasaskooda uga warqabaan.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa risaala u sheegay in Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ay xireen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada u dhaxeeysa Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar iyo Hotelka Suubiye

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada mararka qaar ay ridayeen rasaas farabadan taas oo khalqal ku abuurto Bulshada sidoo kalena saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada gadoodsanaa ay dib ugu laabteen Xeryahooda kadib markii ay la kulmeen Saraakiishooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post