903 Views

Gudoomiyaha Gobolka Gedooo xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow

Gudoomiyaha Gobolka Gedooo  xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow
____________________________________________________________________________


Axad: September 26, 2021

 Wararka ka imaanaya saakay Gobolka Gedooo   ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed uu  saakay xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow, Cali Faarax Mire, wuxuuna wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow.

War qad  ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Gedooo   ayaa lagu yiri.

“Dhammaan laamaha amniga waxaa la farayaa inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), si uu u guto waajibaadka adag ee horyaalla.” Ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale Wararka ka imaanaya  Degmada Doolow ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada lagu xiray degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay Universal TV ayaa yiri “Gudoomiyihii Degmada waa la jirdilay, waana la xiray. Xabsi kunteenar ah oo ku yaala Degmada Doolow ayuu ku xiran yahay.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post