639 Views

Xildhibaanad Aamina Maxamed “ Marar badan waxaa lagu celceliyey Madaxweynahaa hor taagan arrinta Ikraan laakiin Xalay waa uu cadeystay

Xildhibaanad Aamina Maxamed  “ Marar badan waxaa lagu celceliyey Madaxweynahaa hor taagan arrinta Ikraan  laakiin  Xalay waa uu cadeystay
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Aamina Maxamed oo ah xildhibaanka golaha shacabka aha ayaa ka hadashay warqadii Wiiftada ahayd ee xalay farmaajo soo saaray, taasi oo lagu daboolayo cadaaladii loo raadin lahaa Marxuumad ikraan Tahliil oo ay dileen Taliska NISA.

Aamino ayaa sheegtay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u aheyn in kiiska Ikraan uu cadaalad ku dhamaado, taasna ay cadeyn u tahay laba tallaabo oo uu qaaday, kuwaas oo kala ah inuu diiday xilka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabidda guddigaan cusub.

Sidoo kale Waxay sheegtay inay la yaabeen markii uu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri Taliyaha NISA ayaa soo magacaabaya xubin ka mid ah guddiga oo wax ka baarta dembiga loo heysto NISA.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post