621 Views

Beesha Caalamka oo wada kulamadii ay iskaga hor keeni lahaayeen dhinacyada isku haya xalka gaarida Doorashada..

Beesha Caalamka oo wada kulamadii ay iskaga hor keeni lahaayeen dhinacyada isku haya xalka gaarida Doorashada..
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Magaalada Muqdisho ka wada dadaalo lagu doonayo in miiska wadahadalada leeskugu keeno Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan kula hadlay dhinacyada siyaasadda isku hayo, kuwaa oo haatan u muuqdo in ay aqbaleen shir ay isugu yimaadaan Magaalada  Muqdisho.

Ujeedka  Beesha Caalamka ee shirka ayaa ah in looga gudbo is qabqabsiga dib u dhaca ku keenay Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal in lagu qabto xilligii loo muddeeyay iyo in laga foggaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni dalka.

Sidoo kale Todobaadkan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay shir ku yeesheen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa socota oo ay wadaan xubnaha beesha caalamka, waxaana la filayaa in shirka uu ka dhaco xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post