1317 Views

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay talaalka la keenay Muqdisho iyo dadka la siin doono

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay talaalka la keenay Muqdisho iyo dadka la siin doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15da Maarso, 2021–Shixnadii u horeysay ee tallaalka COVID-19 ee barnaamijka Covax ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Illaa 300,000 ayaa la sheegay inuu gaarayo tallaalkan oo loo qeybin doono gobolada dalka.

Sida ay sheegtay dowladda Imaanshaha iyo Hirgelinta Tallaalka Covid-19 Tallaaka COVID ee Oxford/Astraženeca oo ah tiradisa 300,000 waxa uu gaari doonaa shaqaalaha safka hore ah iyo dadka kuwa ugu nugul Mogadishu.

“Dadaallada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed xilligan uu jiro cudurka safmareenka ah ee coronavirus (Covid-19) ayaa xoogeystay maanta xilli uu dalka soo gaaray tallaal tiradisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19 si loo xakameeyo loona yareeyo dhimashadda kadhalatay xanuunka COVID-19” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ka heshay xarunta caalmiga ah COVAX in ku filan tallaalka ugu yaraan 20% tirada Guud ee dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu gaarsiin doono tallaalka wajiyo kala duwan.

Ujeeddada COVAX waa in la dadajiyo horumarinta iyo soo-saarista tallaalka COVID19, iyo in la xaqijiyo in dal walba oo caalamka ka tirsan uu si siman oo caddaalad ah u heli karo Talaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliyaa waxay si joogta ah wada haddalo iyo dadaal ugu jirtaa si loo kordhiyo qoondada tallaalka COVID-19 loona gaarsilyo bulshada inteeda badan.

“Tallaalka Covid-19 waxaa uu yimid xilli Soomaaliya wajaheyso ladagaalanka soo laba kacleynta cudurka Covid-19, waxaana lagu xakameyn karaa oo keliya markaan dhammaanteen iskaashanno. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka iyo dadka kale ee mudnaanta loo siiyay qeybta kowaad ee tallalka in ay qaataan tallaalka si aan u ilaalinno shaqaalaheena caafimaadka, shaqaalaha kale ee safka hore ku jira iyo dadka halista badan qaba” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nur.

Kadib markii Xanuunka Covid19 uu ka dilaacay Soomaaliya bishii Febrayo 2020 waxaa ladiiwangaliyay 8,946 kiis oo la xaqijiyey in uu ku dhacay xanuunka COVID-19, waxaa ku jira tiro dhimasho gaaraysa 349 sida ku xusan warbixinta usbuuclaha ah ee soo wada saaraan Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Caafimaadka Aduukna WHO.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post