1047 Views

Isbitaal ku yaal Mareykanka oo diiday bukaan doonayay in wadnaha laga badalo sababtoo ah ma uusan qaadan tallaalka Covid-19.

Isbitaal ku yaal Mareykanka oo  diiday bukaan doonayay in wadnaha laga badalo sababtoo ah ma uusan qaadan tallaalka Covid-19.
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 26, 2022

Isbitaal ku yaal Mareykanka ayaa u diiday bukaan doonayay in wadnaha laga badalo sababtoo ah ma uusan qaadan tallaalka Covid-19.

DJ Ferguson, oo 31 jir ah, wuxuu si aad ah ugu baahnaa wadne cusub, balse isbataalka Brigham and Women’s Hospital ee Boston ayaa ka saaray liiska dadka loo fidinayo adeegyadooda, waxaa sidaasi yiri aabihiis, David.

Wuxuu sheegay in tallaalka Covid uu ka soo horjeedo “mabaadi’da aasaasiga ah ee wiilkiisa, islamarkana uusan rumaysnayn”.

Saraakisha isbataalka ayaa sheegay in ay raacayeen nidaamka iyo xeerarka xakameynta feyriska Crona.

Bayaan uu soo saaray isbataalka ayay u sheegeen BBC: “Marka la eego yaraanta xubnaha jira, waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u hubinno in bukaan-socodka hela xubin la tallaalo uu helo fursadda ugu weyn ee ku badbaadadi karo.”

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post