678 Views

Cumar Filish oo ka dalbaday dhalinyarada Caasimadda in ay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka

Cumar Filish oo  ka dalbaday dhalinyarada  Caasimadda in ay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: Luliyo 1 2021

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsih) ayaa sheegay in ay kordheen falalka amni daro oo ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhacaya goobaha ay dhalinyarada isku yimaadaan loona baahan in laga taxadaro.

Cumar Filish ayaa ka dalbaday dhalinyarada kunool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka Magaalada Muqdisho si looga hortaggo qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhaca.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay in falalka Amni  daro in ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo Qarsoon, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobe sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post