1566 Views

Wasiir Goodax oo markale u gafay Ardayda Soomaaliyeed

Wasiir Goodax oo markale u gafay Ardayda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale u gafay Ardayda Soomaaliyeed ka dib markii uu sheegay dadkii maanta Wadooyinka ku banaanbaxayay in aysan aheyn Arday.

 

Wasiir Goodax ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo qaar ka mid ah Ardaydii Banaanbaxa waday,laakiin ay kala hor yimaadeen dhagaxaan iyo dagaal, islamarkaana ay suurtoobi weysay in ay la hadlaan.

 

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad aan aheyn Arday oo wadda rabshado lagu carqaladeynaayo Imtixaanka Guud ee dowladda Soomaaliya ee dib loo dhigay.

 

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ay si weyn ugu fashilantay imtixaankii socday maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii ardayda badankood ay heleen qish.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment