957 Views

Xaaskii hore ee ninka ugu taajirsan dunida oo 4 bilyan oo doolar sadaqeysatay

Xaaskii hore ee ninka ugu taajirsan dunida oo 4 bilyan oo doolar sadaqeysatay
____________________________________________________________________________

MacKenzie Scott, oo ahayd xaaskii hore ee aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos, ayaa lacag ka badan 4 bilyan oo doolar sadaqaysatay muddo afar bilood ah.

Ms Scott ayaa sheegtay inay ka go’nayd inay caawiso dadka ay dhibaatada weyn ka soo gaartay saamayntii ka dhalatay cudurka Corona.

Ms Scott ayaa kaalinta 18-aad uga jirta diwaanka dadka caalamka ugu taajirsan.

Hantida Ms Scott ayaa sanadkan aad kor ugu kacday.

Lacagta haweenaydan ayaa kaga timid Mr Bezos oo ah ninka ugu taajirsan haatan dunida.

“Cudurkan safmarka ah wuxuu saamayn weyn u gaystay dadka u dhashay dalka Maraykanka ee awalba dhibanaa,” ayey tiri.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in 380 xarumood iyo 6,500 hay’adood ay lacagtaas ku taakulaysay muddo aad u gaaban.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post