246 Views

Booliska oo qabriga kasoo saaraya meydka gabadh British ah oo dalxiise aheyd taasoo labo sano ka hor geeriyootay

Booliska oo  qabriga kasoo saaraya meydka gabadh British ah oo dalxiise aheyd taasoo labo sano ka hor geeriyootay
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Booliska ayaa maanta qabriga kasoo saaraya meydka gabadh British ah oo dalxiise aheyd taasoo labo sano ka hor geeriyootay si loo ogaado sababta ka dambeysay dhimashadeeda.

Luftunisa Kwandwalla oo 44 jir ah kana soo jeeda magaalada Leicester ee UK ayaa bishii August ee sanadkii 2020-kii ku geeriyootay guriga waddaad daaci ah kaasoo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa.

Waxaa markii hore dhimashadeeda lala xiriiray wadno istaag balse qoyskeeda ayaa ku anddacooday in gabadhooda la dilay isla markaana si deg deg ah loo aasay si qariyo caddeymaha.

Horraantii Bishan ayay aheyd markii maxkamad ay u fasaxday inay baaritaan lagu sameeyo meydka.

Luftunisa Kwandwalla ayaa Kenya timid sanadkii 2019 si ay usoo booqato qaar kamid ah qoyskeeda, kadib xayiraadihii safmarka Karona ayaa ka hor istaagay inay u safarto UK.

Gabadha qoyskeeda waxay sheegeen in gabadha lagu dilay guriga daaci ah oo muslim ah kaasoo lagu eedeeyay in uu maamulayay koox qarsoodi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post