483 Views

Shiinaha oo isku diyaarinaya ‘dagaal toos ah oo uu ku qaado Taiwan’

Shiinaha oo isku diyaarinaya ‘dagaal toos ah oo uu ku qaado Taiwan’
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202


 Maamulka Taiwan ayaa shalay oo Axad ahayd ku eedeeyay Shiinaha inuu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah jasiiradda, iyadoo dhowaanahan uu dhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan.

Maraykanku wuxuu taageeray Taiwan, isagoo ku eedeeyay dowladda Beijing inay ku dhaqaaqday falal kicin iyo taxaddar-la’aan ah. Xiisadda gobolka ayaa sii socotay afartii maalin ee la soo dhaafay, kaddib booqashadii Taiwan ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashada Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan.

Warbaahinta Shiinaha oo soo xiganaysa ilo rasmi ah, ayaa ku warrantay in ciidamada dalkaas ay hadda si joogto ah dhoolatus milateri uga sameynayaan dhinaca marin-biyoodka “Taiwan”, taasoo waagii hore loo aqbalay xudduud-badeed aan rasmi ahayn oo u dhexeysa Taiwan iyo dhulweynaha Shiinaha. Si rasmi ah, meelna uguma cadda arrintaas, sidaas darteed Shiinuhu wuu ka soo horjeedaa xudduuddaas

Telefishinka dowladda Shiinaha ayaa Axaddii sheegay in dhoolatuska hadda si joogto ah loogu qaban doono aaggaas. Wuxuu marin-biyoodka ku tilmaamay khad khayaali ah oo la allifay qarnigii hore, iyada oo la tixgelinayo baahida dagaalka ee ciidamada Maraykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Taiwan ayaa shalay subax go’aansatay inay ka jawaabto dhoollaturka Shiinaha, iyadoo diyaaradaheeda iyo maraakiibteeda u dirtay in ay ilaaliyaan khadka dhexe ee marin-biyoodka.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in uu yahay dhul dalkiisa ka mid ah oo isku dayaya inuu go’o. Booqashada saraakiisha Mareykanka ee Taiwan wuxuu u arkaa in ay ka dhigan tahay mid muujinaysa taageerada madaxbannaanida jasiiradaas.

Hase yeeshee, Taiwan waxay leedahay dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda.

Si kastaba ha ahaatee, tilmaam kasta oo lagu taageerayo madax-bannaanida Taiwan ee madaxda adduunka ayaa ka caraysiisa Shiinaha. Jimcihii, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in ay joojinayaan wadashaqeynta Mareykanka ee dhinacyo badan, oo ay ku jiraan wadahadal milatari oo heer sare ah iyo wadahadalka cimilada, iyo cunaqabateyn shakhsiyadeed oo lagu soo rogay Nancy Pelosi iyo qoyskeeda.

Washington xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan, laakiin sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, waa in uu siiyo taageero ay jasiiraddu isku difaaci karto.

Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa Sabtidii iyo Axaddii ku qul-qulayay marin-biyoodka Taiwan, iyadoo qaarkood ay ka gudbeen xudduud-badeedka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan.

Intii lagu guda jiray dhoolatuska milatari ee aan horay loo arag, Shiinaha ayaa in ka badan 12 gantaal oo ballistic ah ku riday xeebaha Taiwan, sida ay sheegtay wakaaladda.

Maamulka Taiwan ayaa arrintan ku tilmaamay isku day lagu qabsanayo dhulkooda oo ay sheegeen in ay uga fal celiyeen “hab ku habboon”, iyagoo diyaaradahooda iyo maraakiibtooda dagaalka howlgeliyay subaxnimadii Axadda.

Raysul wasaaraha Taiwan, Su Zhengchang ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta Shiinaha inay si kibir ah u adeegsadaan dhoollatuska milateri, si ay u carqaladeeyaan xasilloonida gobolka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post