993 Views

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 20, 2019 —War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ay Maanta oo Bishu tahay 20 Agoosto  ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

 

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana weerarkaas ay  ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay  Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. William Gayler.

 

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay xaqiijiyeen in duqeyntaas ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barrow  ee Gobolka Shabeellaha Hoose aysan wax ku noqon dad rayid ah.

 

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment