720 Views

“Ammaanka inta u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho waxa uu u dayacmay Arrimo Siyaasadeed” Cali Cosoble.

“Ammaanka inta u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho waxa uu u dayacmay Arrimo Siyaasadeed” Cali Cosoble.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-01-2020-Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlayay Xaaladda Amni wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa ku tilmaamay dayacsiyaasadeed.

Cosoble ayaa shaaciyay in Madaxda Maamulkaas Dano gaar ah ay ka leeyihiin Dayaca iyo wax ka qabasho la’aanta sugidda Amniga oo sababay in uu go’o isu gudubka Gaadiidka xubnaha maamulka.

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa xusay in intii uu shaqada baneenay in Xildhibaannada, Mas’uuliyiinta iyo waaxyaha kala duwan ee Maamulka si maalinle ah ay u isticmaalayeen Wadada iyaga oo aan cabsi iyo culeys la kulmeen.

haatan ayuu sheegay in ay sugaan safarka Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa oo Waliba Xildhibaannada iyo Wasiirada markaas ay dano gaar ah ka leeyihiin usoo wadaan Muqdisho ama Jowhar ula safro.

“Xildhibaannada waxaa la isugu duwaa Kontan-meeyo, waliba waa la kala xushaa, waxa ay sugaan diyaaradda markaas u kireysan Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hir-Shabeelle, sababtu waa caburin siyaasadeed iyo dano gaar ah oo laga leeyahay arrintaas, hadda Muqdisho ayay ku xanniban yihiin oo ay joogaan Xildhibaanno badan” ayuu yiri Cosoble.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxa uu shaaciyay in haddii aan dabaqabad la sameyn in ay go’doon geliyaan Degmooyinka, maadaama isu socodkooda uu haatan istaagay, isla markaana aan jirin dhaq-dhaqaaqyadii joogtada ahaa.

Xildhibaanno, Mas’uuliyiin, Xubno katirsan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda waxaa dhowr jeer lagu weeraray Wadada xiriira Jowhar iyo Balcad, waxaana mas’uuliyadda Weeraradaasi sheegtay Al-Shabaab.

Madaxweyne Waare, Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle waxa ay sheegeen marar kala duwan in Al-Shabaab Culeys saareen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar kadib markii Howlgalada Ciidamada DFS, AMISOM iyo duqeynta Mareykanka ee Gobolka Shabeellaha Hoose sababtay in ay halkaa isaga guuraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post